【實用書籍app】Quraan (Quran in Somali)|最夯免費app

【實用書籍app】Quraan (Quran in Somali)|最夯免費app

分享好友

【免費書籍App】Quraan (Quran in Somali)-APP點子

Quraan (Quran in Somali)

Quraan Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi MaxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga. Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed. Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir, ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.[5]

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki[5] (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga Mohamed peace be upon him.svg intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

Micnaha & Sharaxaada Quraanka

【免費書籍App】Quraan (Quran in Somali)-APP點子

Qoraalka Quraanka kariimka ah qarnigii 11aad waqooyiga Afrika.

Ereyga qur'aan waxaa kitaabka Quraan laga dhex helaa 70 jeer, kuwaasi oo qaarkood yihiin ficil (verb) iyo magac (noun) ah qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay "akhriyey" ama "la akhriyey".

Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed, isla markaana wuxuu kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka; janoda iyo cadaabta; ifka iyo aakhiroda.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) waxaa lagu magacaabaa Al-Furqaan, kaasi oo ah tilmaamid ("al-huda"), xikmad, xasuusinta Alle ("al-dikhri"), iyo mid samada sare laga soo diray ("tanziil").

Samayska Kitaabka Quraanka

【免費書籍App】Quraan (Quran in Somali)-APP點子

Quraan waa kiitaabka Illahey ee saldhiga u ah diinta Islaamka ee dadka muslimiinta ahi ku xidhan yihiin.

Quraan waa hadalka ilaaheey mana aha mid la sameeyey ama la abuuray waa waxyi ka yimid xagga rabbi.

【免費書籍App】Quraan (Quran in Somali)-APP點子

免費玩Quraan (Quran in Somali) APP玩免費

免費玩Quraan (Quran in Somali) App

Quraan (Quran in Somali) APP LOGO

Quraan (Quran in Somali) LOGO-APP點子

Quraan (Quran in Somali) APP QRCode

Quraan (Quran in Somali) QRCode-APP點子
熱門國家系統支援版本費用APP評分上架日期更新日期
未知Android
Google Play
1.0
App下載
免費
1970-01-012015-04-21
分享app
上一個APP
下一個APP

高評價書籍App推薦

chinese-english bilingual audio books

1、几百本经典英文名著(部分需购买); 2、中英文双语对照阅读: 3、高质量语音朗读,可选男声、女声,可调节语速; 4、支持金山、有道等第三方软件查词及本地查词; 5、可选择双语对照或中文、英文三种阅读方式。免費玩chinese-english bilingual audio books APP玩免 …
宋詞賞析免费版HD 万年历PPS影音返利网美咖相机优酷爱奇艺视频违章查询搜狐汽车柚看电影新闻体育财经的猎豹uc颜QQ浏览器快乐大本营康熙来了向上百变秀爸去哪儿微信陌百度团跑消除天天P图

《宋词三百首》是中国古代文学皇冠上光辉夺目的一颗巨钻,在古代文学的阆苑里,她是一块芬芳绚丽的园圃。她以姹紫嫣红、千姿百态的丰神,与唐诗争奇,与元曲斗妍,历来与唐诗并称双绝,都代表一代文学之胜。远从《诗经》、《楚辞》及《汉魏六朝诗歌》里汲取营养,又为后来的明清对剧小说输送了有机成分。直到今天,她仍在陶 …